Qorshayaasha caafimaadka gaarka loo leeyahay ayaa laga yaabaa inay kugu cusub yihiin. Macluumaadka hoose ayaa kaa caawin doona inaad barato faraqa u dhexeeya qorshayaasha caafimaadka gaarka loo leeyahay iyo Gargaarka Caafimaadka iyo MinnesotaCare iyo sida loo isticmaalo caymiskaaga cusub.
Caymiska caafimaadka gaarka loo leeyahay - oo sidoo kale loo yaqaano qorshayaasha caafimaadka ee u qalma ama QHPs - waa caymis ay bixiyaan shirkadaha caymiska gaarka ah ee ku jira suuqa MNsure.
Sifooyinka | Gargaarka Caafimaadka | MinnesotaCare | Caymiska Gaarka loo Leeyahay |
---|---|---|---|
Waxaad bil walba bixinaysaa kharashka billaha ah ee caymiska si aad u sii wadato caymiska | maya | maya | haa |
Waxa laga yaabaa inaad hesho cashuur ugu celin si ay kaaga caawiso hoos u dhigida qiimaha khidmadaha (haddii aad u qalanto) | maya | maya | haa |
Waxaad haysataa kaarka caymiska oo aad tustaysid mar kasta oo aad doonato daryeel caafimaad | haa | haa | maya |
Waxa laga yaabaa in aad wax qayb bixin aad ka bixiso adeegyada qaarkood | haa* | haa* | maya |
Waxaa laga yaabaa in aad bixiso kharash wadaag | maya | maya | haa |
Waxaad ka iibsan kartaa oo is barbardhigi kartaa qorshayaasha MNsure ku jira oo waxaad dooran kartaa midka adiga kugu habboon | maya | maya | haa |
*Loogu talagalay dadka qaangaadhka ah ee jira 21 sano ama ka weyn
Xasuusin: Guud ahaan, kharashyada Gargaarka Caafimaadka iyo MinnesotaCare aad bay u hooseeyaan maadaama barnaamijyadan loogu talagalay dadka reer Minnesota ee dakhligoodu yar yahay ee buuxiya shuruucda u qalmitaanka. Ka hel macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan Gargaarka Caafimaadka iyo MinnesotaCare websaydka DHS.
Kadib marka aad doorato qorshe caafimaad oo gaar loo leeyahay oo aad bixiso lacagta caymiska, waxaad heli doontaa xirmada xubinimo oo uu la socdo kaarkaaga caymiskuiyo macluumaadka loo yaqaano "summary of benefits and coverage" ("soo koodida nacfiyada iyo caymiska") oo qeexaya waxa qorshahaaga caymisku bixiyo.
Haddii aad qabto su'aalo ku saabsan caymiskaaga, wac shirkaddaada caymiska si aad caawimo uga hesho.
Marka caymiskaagu bilowdo, u isticmaal si aad u daboosho kharashaadka daryeelka caafimaadkaaga.